buro
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-ooyin, m.l)
Macnaha:
- Haan yar; aagaan. ld buray².
- 1. Hilib aan caadi ahayn, kuusan oo jirka naflayda meel ka mid ah ka soo baxa. 2. Sed dheeraad ah oo cid la siiyo.
- (daaw.) Bararid: astaamaha caanka ah ee halaamacoodka midkood; saddexda kale waxa weeye: kul, casaan, iyo xanuun. Meesha halaamacoodsan waxa bararka u keena ayadoo xididdada yaryarka ah ee dhiigga ka yimaado dhacaan la socdaan boroteyin oo ku urura unugyada dhexdooda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

