cirrid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya.
  2. (c.nafl.) Sooh xiriirka iyo xuubka daboola (mucous membrane) oo isku haya ilkaha iyo daamanka.
  3. ld cirid.

cirid

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Bacaad qorraxdu kululaysay. 2. Kulaylka qorraxda. ld ciriid, cirrid³.