curcur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.
  2. Buur yar; kood; gunbur.

kood

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (-do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa.
  2. ld kooda².

gunbur

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.l)

Macnaha:

  1. (juqr.) Qayb yar oo dhulka dushiisa ka mid ah oo ka kacsan waxyaabaha hareeraheeda ah, kana joog hoosaysa buur.