curraaf

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-fyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Xiddigaha ka faalliga; xiddigiye. 2. Qof faalka yaqaan. ld curraf, curraafiye.
  2. Neef ido ah dheddig oo laf yar.
  3. Cid sixrid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xiddigiye

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-yayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. Qofka xiddi-gaha wax ka sheega ama faaliya; xiddi-gasheeg.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

curraf

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-fiin/-fyo, m.dh)

Macnaha:

  1. ld curraaf¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

curraafiye

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-yayaal, m.dh)

Macnaha:

  1. ld curraaf¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur