dacar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhismo weyn oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo laga dhiso qabuuraha wadaaddada waaweyn oo marka la siyaaranayo dadku harsado.
  2. 1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sibir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xabag qaraar oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Shamiinto. 3. Dhul-dhaca aqalka oo la kebisey.
  2. 1. Lugta dambe ee geela boqonteeda. 2. Maraqsaarta geela.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xammeeti

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (c.nafl.) Dareere alkaliin oo midabkiisu huruudcagaaryahay, dhadhan qadhaadhna leh oo uu soo saaro beerku, laguna kaydiyo beerkutaasha. Waxay caawi-saa dheefshiidka iyo nuugista duxda taas oo burburisa siina yaryaraysa. Xammeetidu waxa kale oo ay nashaadisaa isku soo ururka muruqyada dheefmareenka oo loo yaqaan ubaaxin. ld xameyti.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaras

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Wasakh midab cagaaran leh oo ku raagta caloosha oo ka dhalata cuntada qofka cuno. 2. Hadal badan oo xun.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur