dalool
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-llo, m.dh)
Macnaha:
- 1. Meel yar furan, wareegsan oo wax ka bannaan. 2. Saddex qaybood oo wax loo qaybshay middood. ld duleel¹.
- (baay.) Dalool ku dhex yaallo saytobalaasanka unug noolkaas oo ay ka buuxaan hawo, biyo, dareerayaal kale, dheecaan ama saxarro cunto ah. Unugyada dhirta, had iyo jeer waxay leeyihiin dalool weyn oo keliya, laakiin unugyada xayawaanku inta badan waxay leeyihi in dhowr dalool oo yaryar.
- Meel yar, furan, wareegsan, bannaan yeelasho (wax). ld duleel².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

