dammaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld lammaan 1. Heshiis qoraal ama af oo caddeynaya in la fulin doono wax lagu heshiiyey; ballanqaad. 2. Ari d. ah: ariga inta jarka ah oo loogu talagalay iib.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ballanqaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Caddeynta cidi bixiso ee ay ku shaqeyso in ay ballan meel marineyso. 2. Warqad rasmi ah oo cidi ku caddeynayso gudidda qiimaha waxa la soo dalbaday. ld ballangaal¹.
  2. Wax lagu heshiiyay ama lays faray ballanteeda qaadid. ld ballangal².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ari

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Nooc ka mid ah meesiyada la dhaqdo, ku dhala shan bilood, had iyo jeer la nool xaaska oo ka kooban riyo iyo ido. ld eri¹ (1).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

lammaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Nafley laba isdhashay ah oo meel ku wada sugan. 2. Labo weligood wada socda. 3. ld dammaan.
  2. (baay.) Marka la sharraxayo bu'da, unug ama noole leh labanlaabka tiro dhiman oo koromosooma ah ee astaanta sinjiyada.
  3. Nafley laba isdhashay wax meel ku wada sugan ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur