danab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Biriq. 2. Birdanab. 3. Qof ama wax dadka soo jiita.
  2. (fiis.) Barashada ifafaalaha saldanab ha ahaado danabneg ama mid qulqulaya.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

biriq

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Gantaal danab ah, xoog badan, wuxuu ku dhaco dila oo ka dhasha isku dhac daruuro marka roob da'ayo. ld wiriq.
  2. Iftiin yar oo muuqday dhaqso u qarsoomid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

birdanab

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Bir la aaminsanyahay in ay danabka la socota oo dhulka gasho waxay ku dhacdana disha.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur