atam

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-myo, m.dh)

Macnaha:

  1. (fiis.) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. ld atom.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

atom

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-myo, m.dh)

Macnaha:

  1. ld atam.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur