dareenwade

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. (c.nafl.)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.