darid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg dar³. ld daris.

dar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.
  2. 1. D.tay, d.taa iwm: awgay, awgaa iwm. 2. D. Alle: Alle dartiis, si niyadsam ah. ld daraad.
  3. 1. (f.g) Badar, biyo, caano iwm oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iwm wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.

daris

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-syo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Caws adag oo gaaban oo ka baxa meelaha qoyaanka joogtada ah leh, ris; guxud. 2. Ceel biyo badan oo mar kasta buuxa. 3. ld darid.