deg

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. 1. Dhul korreeya hoobadka ah. 2. Daan (webi). 3. Garabka intiisa kore; qarqar.
  2. 1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho.

qarqar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Inta u dhexeysa garabka korkiisa iyo luqunta; deg.
  2. Qarqaryo dareemid.