degmo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Beel. 2. Qaybaha gobod u qaybsamo middood. 3. ld degsiimo. Meel la degganyahay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

beel

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-lo, m.l)

Macnaha:

  1. Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.
  2. Koox dabeeci ahaan sabo ku wada uuman, oo isugu jira sinjiyo dhir iyo xayawaanba leh.
  3. Hanti ama wax kale oo hore loo lahaa tirmid; waayid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

degsiimo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Meel la degganyahay. ld degmo (3).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur