degid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg deg². ld degis, degitaan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

deg

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. 1. Dhul korreeya hoobadka ah. 2. Daan (webi). 3. Garabka intiisa kore; qarqar.
  2. 1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

degis

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld degid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

degitaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Rug ka dhigashada meel rug laga dhigto. 2. Fariisashada wax duulayey fariisto. 3. Shiididda biyo hoos loo shiido. 4. Hoos u dhicidda dhul, webi iwm hoos heerkoodii uga dhacaan. 5. Kala miirmidda wax qasnaa kala miirmaan. ld degid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur