digid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg dig². ld digniin. digniinsho.

digniinsho

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld digid.

dig

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Rubad. 2. Naf. 3. Garaaca wadnaha ee halbowlayaasha laga garto. 4. (sh.r) Cod lagu muujiyo shalaq.
  2. 1. (f.g) Aroos iwm cid ogeysiin. 2. (f.mg) U d.: qof wax u daran oo ku soo fool leh ama lala maagganyahay dareensiin si uu uga gaashaanto.

digniin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld digid.
  2. 1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iwm oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.