dooro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.
  2. 1. Wax xulasho. 2. Cid doorasho ku jirta codsiin.

digaag

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Macnaha:

  1. Shimbir aan duulin, la dhaqdo oo hilibkeeda iyo ukunteedaba la cuno; dooro; luki. ld diyaad, diyaaj.

baaro

Qaabnax: Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3

Isrogrogga: (-rtay, -ratay)

Macnaha:

  1. 1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.
  2. Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.
  3. Wax qarsoon, raadin.