ee

Qaabnax: Xiriiriye | Conjunction

Macnaha:

  1. 1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e.
  2. Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa.

Lamidka: e

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

e

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (e') Xarafka shanaad ee alifka soomaaliga, kana mid ah shaqallada.
  2. (-e) ld ee¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

eeyaa

Qaabnax: Erey Dareen | Exclamation

Macnaha:

  1. ld eey³.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur