fintir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (fintir, m.dh) (bot.) Geed yar oo jilicsan oo lug tool ah oo ubax qurxoon kor ku leh, hoosna buruq kuusan oo kulul oo xooluhu ku dhacaartaan waxna lagu dhayo; wamme.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

wamme

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Geed yar oo jilicsan oo lugtool ah oo korna ubax qurux badan ku yeesha, hoosna buruq kuusan oo kulul oo biir leh, oo xoolaha lagu dhacariyo, layskuna daweeyo. ld mawe.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur