furan
Qaabnax: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1
Isrogrogga: (-rmay, -rantay; -rmi)
Macnaha:
- Wax la furay noqosho.
- 1. Albaab, dariishad iwm wax la ballaqay ahaansho. 2. Wax guntintiisa la kala furay ahaansho (xarig). 3. Wax meel ku xirnaa wax la sii daayey ahaansho. 4. Halxiraale wax, la fasiray ahaansho. 5. Haweeney wax la dalaaqay ahaansho. 6. Awr wax rarkii laga dhigay ahaansho. 7. Mashruuc, dhisme, barnaamij iwm hawshooda wax la billaabay ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

