gubad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld gubato. Dhul dab geedihii sare ka dhammeeyey. 2. Dab. 3. ld gubasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb.
  2. Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin.
  3. 1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gubato

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cudur lo'da ku dhaca oo haragga ka guba. 2. ld gubad (1).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gubasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg gubo. ld gubad (3).
  2. (kiim.) Falgal kimikaad ee walaxi si dhakhso ah ula falgasho ogsijiin, maxsuulkuna noqdo kul iyo ileys. Falgallada noocaani, badanaaba waa silsiladda falgallada xidiidshaha xorta ah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur