diillin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-imo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Xarriiq; jiitin. 2. Roob xoog leh oo dabayl wata. 3. Caws cusub oo ka soo fufay meel gubad ah. ld diilin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xarriiq

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-qo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Daliig, jiitin. 2. ld xarriijin, xarriiqin.
  2. (xis.) Isku xir ka dhexeeya laba barood oo ku yaalla dululaati ama dul xarriiqi waxa ay leedahay dherer haseyeeshee, ma laha ballac, waxa ay noqon kartaa mid toosan ama xoodan. Hidda toosan waa fogaanta ugu gaaban ee u dha-xaysa laba barood oo ku yaalla dul fidsan.
  3. Xarriiq samayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jiitin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-imo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Xarriiq meel ku taal. 2. Ood weyn oo xeryaha xoolaha iridkooda lagu gooyo; ood-afo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

diilin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld diillin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur