gubasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg gubo. ld gubad (3).
  2. (kiim.) Falgal kimikaad ee walaxi si dhakhso ah ula falgasho ogsijiin, maxsuulkuna noqdo kul iyo ileys. Falgallada noocaani, badanaaba waa silsiladda falgallada xidiidshaha xorta ah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gubo

Qaabnax: Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3

Isrogrogga: (-btay, -batay)

Macnaha:

  1. 1. Dab ku waxyeelloobid. 2. Kulayl dareemid. 3. Ka g.: waxyeello cid loo geestay ka xanaaqid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur