hamboorri

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Riixdin; jug; garabgal.
  2. 1. Wax hore u tuurid. 2. Wax ku walaahoobid.

riixdin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld riix¹. 2. Riixidda wax meeshii uu ku sugnaa laga dhaqaajiyo. ld riixtin.

jug

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. (sh.r) Nabar, ay waxa gammuuxani geystaan. 2. (sh.r) Wax qarxay ama si xoog leh meel ugu dhacay, sanqadhooda. 3. J. ah: haad fas badan laga hayo (turub).

garabgal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Taakuleynta loo geysto qof tabar yar iyada oo gacanta laga qabanayo. 2. ld garabgeli.
  2. Cid tabar yar taakulo siin iyada oo la tukubinay.