itaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xoog.
  2. (fiis.) Summad 'I'(jabaq). Dhakhsaha ay tamarta jabaqda ku dhexmarto halbeeg bed ah oo ku ligan foolkabaahidda hirarka jabaqda. Itaalku waxa uu saamiggal quman la yahay laba jibaarka qotonka gariirka hawada. Halbeegga taalka waa desibal. b) eeg itaalka birlabeed. t) eeg itaalka danabka. j) eeg itaalka iftiimeed.
  3. Tabar leh noqosho.

Lamidka: Xoog

xoog

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Kartida muruqyadu u yeeshaan culays qaadidda. 2. (-gag, m.l) Ciidan. 3. (-gag, m.l) Kubka intiisa hore u jeedda. 4. (fiis.) Riixidda ama jiididda ku dhacda wax.
  2. (fiis.) Summad F. Fal kasta oo beddela ama isku daya inuu beddelo xaaladda negaashaha walax ama ku jirta socod madoorsoome ah. Xoogga, F, ee ku abbaaran walax cufkeedu (m), dhalinayana karaar ah, (a), waxa lagu helaa F = ma Halbeegga cufku waa Niyuutan (N).
  3. 1. Wax khasab ku qaadasho. 2. Haweeney kufsasho.