jadeen

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cida bahallada qaarkood sida libaaxa iwm. 2. Reen.
  2. 1. Bahal libaax iwm reemid. 2. Nafley taahid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

reen

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cod ay samayso hal dhashay marka ay ilmaheeda nuujin la rabto; dunuunuc. 2. Cod ka soo baxa qof sad u buka; jibaad; taah; talal. 3. Dhawaaq weyn oo libaaxu sameeyo. ld riin¹.
  2. Hal dhashay, qof buka, libaax iwm reen samayn. ld riin².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur