kaadi
Qaabnax: Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2
Isrogrogga: (-iyay, -isay)
Macnaha:
- U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.
- Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka.
- (baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.
- Kaadi sii deyn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

