kayo

Qaabnax: mu.dhm.ly

Macnaha:

  1. ld kaayo¹. .
  2. ld kaayaga².

kaayo

Qaabnax: mu.dhm.ly

Macnaha:

  1. Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Tus. “Waa isku kaayo mid”. ld kayo¹. .
  2. ld kaayaga².

kaayaga

Qaabnax: mu.lh.l

Macnaha:

  1. (kuwayaga, w) magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Baabuurkiinna, kaayaga ayaa ka weyn”. ld Kayaga¹.
  2. Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Dalkaayaga ayaa ka ballaaran dalkiinna”. ld kayaga2, kaayo², kayo².