khaash

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cunno, miro, dawo iwm oo intay raageen xumaadey; faad. ld qaash.
  2. Cunno, miro, dawo iwm faadid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

faad

Qaabnax: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1

Isrogrogga: (-day, -dday)

Macnaha:

  1. Cunto, cabbid, daawo iwm nafaqo iwm waxtarkii ay lahayd raagid awgeed lumin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaash

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-shash, m.l) Jaadadka warmaha dhaadheer nooc ka mid ah. 2. Finan yaryar oo wajiga dadka ka soo yaaca waqtiga kuleelaha. 3. ld haash.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur