kicitin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Socdaal; safar.
  2. Meel u socdaalid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

socdaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Safar meel fog lagu aado. 2. S. ah: qof safar ah. ld sadcaal¹, sodcaal¹.
  2. Meel fog safar ku aadid. ld sadcaal², sodcaal².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

safar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Socdaal. 2. Dad gaadiid wata oo arrin ganacsi magaalo u aaday.
  2. Bilaha dayaxa lagu xisaabo too-da labaad.
  3. 1. Meel ka socdaalid. 2. Iyadoo meel ganacsi loo aadayo meel ka tegid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur