kob

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-bo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Meel kooban oo la tilmaami karo. 2. Daliigo caw laga falkiyey oo dhaadheer ballacooduse yaryaryahay oo kolkii laysku toltolo dermada noqda middood. 3. Meel geedo dhaadheer leh oo hareeraha ka bannaan. 4. ld kab².

kab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qoryaha laf jabtay lagu xiro si ay isu qabsato. 2. In yar oo maro, bir, qoray ah oo wax jabay ama duleeshamay lagu awdo. 3. ld kabid.
  2. Jaamo harag, caag iwm ah oo inta laysku toltolo, cagaha la gashado. ld kob (4).
  3. Wax kala jabay ama kala go'ay kab ku xirid.