Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Macnaha:
1. (ino, m.l) Xoogaa, qaar, wax aan badnayn; wax; tiro. 2. Qayb, cad. 3. Waqti, goor. 4. Xag, meel, kob. 5. Inna: waxna.
1. Eray lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iwm). Tus. “In uu imaanayaa waa hubaal”, “Waxaan doonayaa in aan tago”, “Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado”. 2. Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii. Tus. “Bal inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii bal inay fog tahay”. 3. Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Inta aan soo noqonayo”, “Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo”. 4. Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in. Tus. “Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-xyaalo/-xyaabo, m.l)
Macnaha:
1. Shay; walax. 2. Arrin; talo; xaal.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-ooyin, m.l)
Macnaha:
1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.
1. (xis.) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid- da.Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xis.) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (nax.) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tus. “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).
Wax meel ka ba'sasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur