kuurQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-rar, m.l)Macnaha:Kaabi; ag; cimil.Cid cabsiin, indho ku gubid.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur+Ku dar▲0▼0
kaabiQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounMacnaha:1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab.Lamidka: raar, xakabSource: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
agQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounIsrogrogga: (-go, m.l)Macnaha:Meel inta u dhow ama hareerka kaga xeeran.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
cimilQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-llo, m.dh)Macnaha:1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo lagu dilo. 2. Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0