lammo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Laba maqaar lo'aad oo isku midab ah iyo maqaar saddexaad oo ka midab duwan oo inta si farsamaysan laysugu dhafo, laysku tolo oo mid laga dhigo. 2. ld labo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

labo

Qaabnax: m.dh.t

Macnaha:

  1. 1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; “2”. 2. Labadaba. Tus. “Labadaba way fiicanyihiin”.
  2. Wax qasasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur