marso

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dhismo xeebaha badaha laga dhiso oo doonayaha iyo maraakiibta ku xirato. 2. Diilliin madow oo iduhu dhexda ku yeeshaan.
  2. 1. Cunto, lacag iwm dhammaysasho. 2. Wax meel ka gudbisasho. 3. Dufan, rinji iwm ku dhaashasho. 4. Cashar cid ula tegid si loogu akhriyo (qof). 5. Marada ay xirantahay dhexda ka xirasho (haween). 6. Arrin meel gole ah ka caddeysasho.