maxay

Qaabnax: Erey Weyddimeed | Interrogative Word

Macnaha:

  1. 1. Erey weyddiimeed oo ka kooban 'maxaa'iyo 'ay', labo xaaladood ayaana loo adeegsadaa, sida: a) “Waa maxay?”; b) “Maxay doonaysaa ama doonayaan?” 2. Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye; maxaawacay; maxaayeelay; waayo. Tus. “Shalay kuuma imaan, maxaajiraa, hawl baan lahaa”.

maxaawacay

Qaabnax: Erey Weyddimeed | Interrogative Word

Macnaha:

  1. ld maxay.

maxaayeelay

Qaabnax: Erey Weyddimeed | Interrogative Word

Macnaha:

  1. ld maxay.

waayo

Qaabnax: m.l.w

Macnaha:

  1. 1. Waqti hore oo la soo dhaafay. 2. Dhacdooyin la soo joogay; wacaal. 3. Arrin; xaal; sah. 4. Dhibaha adduunka; tabaalo.
  2. Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye, maxaajira, maxaawacay, maxaayeelay. Tus. “Xasan wuu iska tegay, waayo, waad ka caraysiisay”.
  3. 1. Waa ayo?, waa kuma? 2. Sababtu maxay tahay?