naq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira.
  2. 1. (f.g) Wax meeshii uu ka yimid ku celin. 2. (f.g) Gar qaadid. 3. (f.g) Cid dood iyo dacwo u jeedin. 4. (f.mg) U n.: u meerin, u akhrin. 5. (f.mg) Ku n.: ku celi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

doog

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Caleenta iyo cawska cusub ee uu roobka soo saaro; naq; tigaad. 2. Xilli roob da'ay, dhulku cagaaranyahay dadka iyo xooluhuna baraare ku jiraan. ld doogaad.
  2. 1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. ld daab².
  3. 1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

tigaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Meel doogatay oo naq badani ka baxay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur