doog

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Caleenta iyo cawska cusub ee uu roobka soo saaro; naq; tigaad. 2. Xilli roob da'ay, dhulku cagaaranyahay dadka iyo xooluhuna baraare ku jiraan. ld doogaad.
  2. 1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. ld daab².
  3. 1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

naq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira.
  2. 1. (f.g) Wax meeshii uu ka yimid ku celin. 2. (f.g) Gar qaadid. 3. (f.g) Cid dood iyo dacwo u jeedin. 4. (f.mg) U n.: u meerin, u akhrin. 5. (f.mg) Ku n.: ku celi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

tigaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Meel doogatay oo naq badani ka baxay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

doogaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld doog¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

daab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.
  2. 1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. ld doog².
  3. Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur