nidar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Ballanqaad qof naftiisa waajib kaga dhigo inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Waxaan n. ku galay inaan wan bixiyo haddii aan arigii iga lumay helo”. 2. Waxa loo bixiyo ballanqaadka qof naftiisa ku waajibiyey inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Wankani waa n.”. ld nidir¹.

nidir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld nidar.
  2. 1. (f.g) Si muraad loo helo magac Eebbe ballan ku gelid. Tus. “Cali wuxuu nidray inuu neef bixiyo hadduu muraadkiisii helo”. 2. (f.mg) Cid dhaarasho. Tus. “Cali wuu nidiray”.