qaaddo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

malgacad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld macalgad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaa'id

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dyo/qaaddo, m.dh)

Macnaha:

  1. Qof ciidan hoggaamiya.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur