qal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. Labada fuq ee afka middood; daan.
  2. 1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

daan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-aaman, m.l)

Macnaha:

  1. Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin.
  2. (c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.
  3. Webi, tog iwm labada dhinac midkood.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

shisheeye

Qaabnax: Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate

Macnaha:

  1. 1. Qof aan xiriir sokeeye la lahayn qolo. 2. Qof jooga dal uusan u dhalan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur