daan
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-aaman, m.l)
Macnaha:
- Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin.
- (c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.
- Webi, tog iwm labada dhinac midkood.

