qalami

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld qalammi.
  2. Nafley yar oo indha waaweyn leh oo cagaha iyo dabada daanyeerka uga eg, wejiga iyo dhegahana dawacada ugu eg; geedatiris.

geedatiris

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Nooc daayeerka ka mid ah, aad u yaryar, leh dhego dhaadheer iyo dabo dheer oo buul badan oo geedaha dushooda kora; kor.

qalammi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Shiraac yar. ld qalami¹.