qawl

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl.
  2. 1. (f.g) Cid jeenan siin. 2. (f.mg) Hadal dhihid. 3. (f.mg) Curdan bixin (geed). 4. (f.mg) Si wanaagsan u korid (ubad, geel iwm.).

hadal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh.
  2. Ereyo macno leh sheegid.

erey

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-yo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Dhawaaq kasta oo weer ka mid ah oo macne lagu garto gudbiya; kelmed. 2. Muran aan loo bogin.

kawl

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld shawl¹; shawlid.
  2. Hilib dufan ku shiilid. ld shawl².