qiyaame

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Maalinta wixii dhintay oo dhan la soo nooleeyo oo wanaagga iyo xumaha qof walba sameeyey la xisaabo. 2. Dhib; shiddo; hoog.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhib

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Arrin ama hawl adag; hawl aan qabashadeedu fududayn; wax lagu daalo; shiddo. 2. (fk) Si rafaad ah; si qaxar ah. ld dhibaato.
  2. 1. Daawo xoolaha shilinta iyo candhada looga daweeyo. 2. (-bab, m.l) Hog dhisan, dawo laga buuxiya oo xoolaha looga kunbiyo candhada, shilinta iwm.
  3. Nafley raaxo la'aan badid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

shiddo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Dhibaato; rafaad. ld shiidaad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hoog

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhacdo leh dhibaato lagu hoobto; ba'; belo.
  2. Dhacdo dhibaato lagu hoobto leh la kulmid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur