qobbe

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhaxan qabow oo habeenkii soo dhacda; nadwad; dheel.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

nadwad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Uumi-biyood. 2. Qabow qoyaan leh oo habeenkii soo dhaco; dhado.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dheel

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Qabowga habeenkii soo dhaca oo wata sayax.
  2. Cayaar. ld dhayl¹ (2).
  3. 1. Ciyaarid. 2. Wax qabow habeenkii ku dhacay dartii la qoyid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur