rahaamad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay. ld rahan².
  2. (dhaq.) Lacag, dahab, guri ama dhul rahan ahaan loo dhigo marka bangi ama cid kale laga qaadanayo dayn. Haddii deynqaatuhu bixin waayo lacagta uu qaatay amaah-bixiyaha waxaa, si sharci ahaan lagu wareejinayaa rahaamadda.
  3. Cid wax amaahatay damaanad dhigid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

rahan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cagaar badan oo ka baxa meel roob ku da'ay.
  2. ld rahaamad¹.
  3. 1. Hanti curaar ahaan u dhiibid. 2. Arrin ka hadalkeeda dib u dhigid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur