Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-iyo, m.dh)
Macnaha:
Midab; liin; asal; dheeh. ld ranji¹.
Dhoob hal midab ama ka badan ka kooban oo qalabka la adeegsado dusha laga mariyo si loogu qurxiyo ama mirirka looga ilaaliyo. ld ranji², ranjiyee, rinjiyee.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-bbo/-byo, m.dh)
Macnaha:
1. Marka fallaaraha ilaysku ku dhacaan walax ee ay ka soo noqdaan, muunadda ay isha tusaan: sida casaan, cagaar iwm. 2. Nooc ka mid ah kalluunka oo yaryar, oo sharaxsharax leh.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2
Isrogrogga: (-yeeyay, -yeysay)
Macnaha:
ld rinji².