ruqso

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Idan; fasax. 2. Shaqo ka fariisin qof hawshii uu hayey laga fariisiyo. 3. Warqad ay ku qorantahay oggolaasho wax reebban. ld ruqsad.
  2. Geed si xoog leh dhul uga siibasho.

idan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin.
  2. Wax samayntooda cid fasax u siin.

Lamidka: dabqaad, idin

fasax

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Oggolaan. 2. Nasasho hawlaha iyo dugsiyada lagaga nasto.
  2. 1. Oggolaansho siin. 2. Hawl ka nasin (cid).

ruqsad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld ruqso¹.