saabuun

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. (kiim.) Iskudhisyada naatriyam ama kaaliyam ay la sameeyaan nooc asiidhada orgaanikada ah; kuwaas oo badanaaba lagu isticmaalo in ay hagaajiso astaanta dhiqidda ee biyaha. ld saabbuun.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

saabbuun

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Xayr iyo maadooyin kale oo la isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun.

Lamidka: saabuun

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur