shaambi

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.l)

Macnaha:

  1. Weel weyn oo dhoob ka samaysan qaab ukumeedna leh iyo dabo dhuuban oo biyaha lagu shubto; aashuun. ld shaambaay.
  2. Si aayar ah oo xarrago ku jirto u socosho.

aashuun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-uummo/-uunno, m.dh)

Macnaha:

  1. Weel tebedda u eg, dhoobo ka samaysan oo biyaha lagu shubto. ld ashuun.

shaambaay

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld shaambi¹.